(Dhuusamareeb) 23 Luulyo 2019 – Guddiga Dib u Heshiisiinta Galmudug ayaa soo saaray War Saxaafadeed rasmi ah oo uu uga hadlayo arrimo badan.
Waxaa ka mid ah inuu si habsami leh ugu dhacay wada xaajoodyo ay la kala yeesheen dadka degaanka intii u dhacaysey 20-kii ilaa 23-kii bishan oo ku beegan maanta.
Waxaa War Saxaafadeedkan lagu iclaamiyey goorta uu furmayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo ay ku muddeeyeen 5-ta Agoosto, iyadoo ay ergadu Dhuusamareeb imanayso wixii loo gaaro 1-da isla bishaas si loo dejiyo.
Tirada ergada ayaa noqon doonta 356 qofood, waxaana tas’hiilaadka Shirka gacan ka gaysanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia oo la kaashanaysa Beesha Caalamka oo shir ay shalay halkaa ku yeesheen ku taageeray geeddi socodka nabadeed ee Galmudug.
Hadalsame Media