(Muqdisho) 23 Luulyo 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixintii lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qadar la xiriirisay qarax bishii Maajo ka dhacay magaalada Boosaaso.
Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay inay arrintan hor dhigeen dowladda Qadar oo uu tilmaamay inay warkaa iska fogeysey.
”Dowladda Qadar inaysan lug ku lahayn wax luggooyo ama dibib-daabyo ah ama faragelin ah oo Somalia loo gaysanayo ayay noo sheegeen,” ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka ayaa sheegay inuu u yimid safiirka Qadar ee Somalia, islamarkaana ay Somalia ka dowlad ahaan ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey, waloow uusan faahfaahinin sababta ay ugu qanceen, maadaama aysan Qadar iyadu si cad u beeninin dhicitaanka arrintan.
Hadalsame Media