”Inta Af-Soomaaliga ku hadasha cid kastaa ku jirta, xitaa Baadari Xabashi ah!”

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2019 – Inta Af-Soomaaliga ku hadasha Soomaali kaliya maaha, cid kastaa ku jiri karta, xataa Baadari xabashi ahaa oo reer Dire Dawa (Dirirdhabe) ahaa gaaleysiintana ku xeeldheeraa ayaa ku jira, marka salaanta Islaamka kuma salaami karo. Kumanaanka kale ee bartay ee ku hadla iyagu tiro maleh.

Inta Afka soomaaliga ah ku hadasha waxaa ku jira quruumo afaf u gooniya leh, aan ogoleyn lala wadaago afkooda, oo afkayga igula dhuuqaya marka la yidhaahdo (Inta afka Soomaaliga ku hadasha).

Xataa kuwan aan martida u ahay ee Swedish-ka ahi, markay afkoodan na barayaan, casharrada ay noogu talo galeen si aan afkooda u barano waxay ugu yeedhaan Svenska för invandrare (SFI), macnaheedu waa (Iswiidhishka dadka soo galootiga ah), maaha Svenska för svenskar (Iswiidhishka dadka Iswiidhishka ah).

Afkani Soomaalida ayuu gaar u yahay, gooni u yahay, Ilaahay na ku arsaaqay, ma ahi ninka ogol inay u sinnaadaan isaga iyo kan bartay, waxaanse bogaadinayaa in ay cid kasta Af-soomaaliga barato, ku hadasho islamarkaana qorto far soomaaliga, waa se inaysan ku fushanayn dano gaara, ku jaajuuseyn ummadayda, kuna baahinayn diintooda.

Taas macnaheedu maaha inaad Soomaali ula siman tahay afkooda hooyo xataa haddii aad barato.

Haybad Eebbe ku siiyay
Habeen la iskama qaado!

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media