DAAWO: Maxaa ka jira wararka sheegaya inuu dab qabsaday dayuurad siddey kooxda AC Milan?

0

(Boston) 21 Luulyo 2019 – Dayuuraddii shalay galab kooxda AC Milan ka qaadday gegada Malpenza waxay xalay iyadoo bed qabta ka degtey magaalada Boston saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 23:30 (GMT + 2).

Waxaa haddaba mar soo baxay xog cabsi lahayd oo ku saabsanayd in uu dab qabsaday dayuuraddii siddey kooxda Milan.

Yeelkeede, xogtaa oo uu sheegay hilinka la iska arko ee France 24 ee ku saabsan dayuurad gubanaysa wuxuu noqday dayuurad ay leedahay sharikadda Alitalia oo iyaduna u socotey isla Boston balse ma ahayn midda ay la socotey kooxda Rossoneri.

Hadalsame Media