Askari Maraykan ah oo maalintii 3-aad lagu la’yahay xeebaha Iiraan

0

(Gacanka Beershiya) 19 Luulyo 2019 – Waxaa soconaya howlgal raadin iyo samatabixin ah oo lagu baadi goobayo badmaax ka tirsan Ciidanka Badda Maraykanka, gaar ahaan markabka dayuuradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln kaasoo lagu la’yahay Gacanka Beershiya, sida ay xaqiijiyeen Ciidamadaasi.

Ninkan oo ilaa Arbacadii la la’yahay ayaa waxaa iminka wada raadinaya Ciidamada Badda Maraykanka, Spain iyo Pakistan kuwaasoo aan ilaa hadda helin raq iyo ruuxba.

Magaca badmaaxan ayaan lasoo bandhigin sida uu qabo hab-raaca Ciidamadda Badda Maraykanku iyo sida iyo sababta uu markabka uga baxayba.

Maraakiibtan Maraykanka ayaa Bariga Dhexe loo diray bishii Maajo, si looga hor tago walaac ka ”imanayay dhanka Iiraan” sida uu xilligaa ku qiil samaystay la taliyaha MW Maraykanka ee John Bolton oo ah nin khabiir ku ah hurinta colaadaha caalamiga ah.

Hadalsame Media