”Wasaaraddiiba waxay noqotay mid ay leeyihiin reerka Wasiirku”

0

(Hadalsame) 18 Luulyo 2019 – Shaqaalaha wasaaraduhu iyagaa meesha ka dhiga meel reerka wasiirku iska leeyihiin. Markay arkaan oday ay wasiirka isku reer yihiin oo illinka taagan, ayey isku dhex yaacaan oo sidii nebi Khadar salaanta ugu boobaan.

Dadka kale ayey ka hor mariyaan. Meel fiican bay sii fariisiyaan oo qaar baa uga sii sheekeeya karaamooyinka laga arkay beesha odayga iyo wasiirka. Waxay qaar u sheegaan in ayeeyadood saddexaad reerka ahayd oo ay caqliga iyo dadnimada meeshaas ka keeneen.

Wasiirku wuxuu rumaysanayaa hadaladaas oo in reerkiisu dadka ka fiican yihiin ayuu wax ku miisaamayaa. Qaraabadii ayuu u roonaanayaa oo shaqada iyo adeegga u badinayaa.

Kuwii odayga shalay hor fadhiyey ayuu qaar shaqada ka cayrinayaa. Markaasay leeyihiin qabyaalad ayaa la igu soo cayriey. Adigaa isku soo cayriyey oo aqbalay in meesha la kala xigo.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media