(Stockholm) 18 Luulyo 2019 – Lixdii bilood ee Sannadka ugu horreeyey ayey 16 qof oo soomaali ihi waxay si mutadawacnimo ah uga codsadeen ciidanka xuduudaha Sweden, inuu gacan ka siiyo in dib loogu celiyo dalkoodii, halka ay diiwaanka ciidanka ugu jiraan 1459 lala sugeyo tarxiil, hase yeeshee aan lagu khasbi karin iminka, sida ay sheegtay Natalya Carlsson.
”Hay’adaha DF soomaaliya ayaa shuruud ka dhigtay in qofku uu marka hore raalli ka yahay in Soomaaliya dib loogu celiyo.’’ ayay tiri.
Haweenay u dhalatay dalka Ukraine oo dhaawac culus uu ka soo gaaray falkii argagixisada ee ka dhacay Sweden 2017-kii, lugna uu ka jaray gaari la marsiiyay ayaa dib loogu tarxiili doonaa dalkeedii, maadaama aanu xeerku u saamaxayn inay dawladdu kiiskeeda il naxariis leh ku eegto , sida uu sheegay wasiirka cadaaladda Sweden Morgan Johansson.
Haweenaydan ayaa horay diidmo ku aaddan rukhsadda degananaashaga uga heshay dhammaan waaxda iyo maxkamadda socdaalka, sidaa daraadeedna codsi u gudbisatay dawladda Sweden.
Carl Mattsson oo ku dhaqan magaalada Strömstad ayaa maanta jabiyay rikoorkii da’dii ugu waynayd ee qof iswiidhish rag ahi abid gaaro. Waana markii ugu horreeysay ee Sweden da’daa lagu gaaro.
Carl Mattson oo rikoorka ka qaaday Anders Engberg oo ku geeriyooday 111 sano iyo 124 maalmood isla markaana ugu da’wayn waddammada dhaca waqooyiga Yurub ayaa tilmaamay in aanay jirin wax uu ka sheegto: ”Ma hayo wax aan ka sheegto. Oogadeeydu aad bay u wanaagsan tahay.”
Hadalsame Media