(Jowhar) 17 Luulyo 2019 – Waxaa goordhow magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ka degey Wakiilka cusub ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, kaasoo uu garoonka dayuuradaha kusoo dhoweeyay MW Maxamed Cabdi Waare.
Md Swan iyo wefdiga uu hoggaaminayo ee ka socda xafiiska QM ee UNSOM ee Muqdisho ayaa maamulka Hir-Shabeelle lasoo qaadi doona arrimo badan oo khuseeya maamulkaasi.
Sida uu fahamsan yahay Hadalsame, waxaa la isla soo qaadi doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin dhismaha xarumo ay yeeshaan Booliiska maxalliga ah ee heer goboleed, tababarka, qalabaynta iyo tayaynta ciidamadaasi.
Waxaa kale oo QM lala soo qaadayaa dhismaha hay’adaha maamulkaasi oo weli curdan ah una baahan dhisme iyo xoojin (capacity building) iyo sidoo kale guud ahaanba xaaladda dalka Somalia.
Hadalsame Media