DHEGEYSO: Sweden oo hal meel kaga dheeraysay dalalka Norway & Denmark!

0

(Skåne) 17 Luulyo 2019 – Dalka Sweden, ayaa aad ugu sii talax tegaya horumarka la xiriira tamarta korontada dabaysha laga dhaliyo, iyadoo dhistay goobo badan oo sare u qaaday wax soo saarkii tamarta dabaysha, taasoo ay xitaa qaab rikoodh jebis ah ugaga horreeyso dalalka deriska ah, gaar ahaan Norway iyo Denmarka, yeelkeede, gobolka koonfur galbeed ku yaalla ee Skåne, horumarkaasi iminka waa istaagey.

Jakop Economou waa Madaxa Howl-dejinta ee Akademiyaha Tamarka Dabaysha gobolka Skåne (Skånes vindkraftsakademi), wuxuuna aaminsan yahay in hakadkan ay ugu wacan tahay gobolka oo ah midkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyo mashaariicda tamarta dabaysha.

”Aad baan ugu horreeynay markii horeba, waayo waxaa dhismaha marawaxadaha tamartan dhaliya laga bilaabay xeebaha Skåne ee koonfurta Sweden, marka qaar baa iminka gaboobey,” ayuu yiri Jakop.

Gobolka Skåne, ayaa muddo dheer ahaa gobolka Sweden ku hoggaamiya adeegsiga tamarta korontada laga dhaliyo dabaysa, balse hoos u dhaca haatan ayaa waxaa qayb ahaan ugu wacan gobolka oo ah mid aad u dad badan, sidaa darteedna aan boos loo haynin goobo laga dhiso marawaxadahan iyadoo aan la qasin nolosha dadwaynaha. Iyadoo aan la ogolayn inay dadku maqlaan jabaqda wafta marawaxadahan waawayn oo ka badan 40 decibel oo ah unugga lagu cabbiro dhawaqa.

Guud ahaan maamulka gobolku waa la dhacsan yahay adeegsiga tamarta dabaysha oo ka mid ah waxa loo yaqaanno ’’tamarta nadiifka ah’’ maadaama aan hawada lagu sii daynaynin Kaarboon laba Ogsaydh, balse dhibka haystaa waa in aan dhul ku filan la haynin.

Anders Benström waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Liberaalka ee heer degaan, isagoo sidoo kale guddoomiye u ah hay’ad cimilada u dhaqdhaqaaqda oo saldhigeedu yahay kamuunka Burlöv, oo ka mid ah degmooyinka aan gebi ahaanba lahayn xitaa hal marawaxad oo dhalisa tamarta dabaysha. Waxay weliba Burlöv ka mid tahay degmooyinka aan diyaarba u ahayn inay bixiyaan rukhsado lagu dhisayo marawaxadahan. Sabab?

”Waxaan qabaa in la’aanta dhul ku habboon arrintan uu yahay dhibka na haysta, waxaan nahay degmada 2-aad ee bed ahaan ugu yar sweden oo idil, marka dhul badan ma hayno,’’ ayuu yiri Benström.

Hadalsame Media