DHEGEYSO: Arrin walaacinaysa Soomaalida oo ka dhacday Sweden & warar kale

0

(Stockholm) 17 Luulyo 2019 – Maxkamadda degmada Lyckele ayaa maanta xukun ku riddey 12 sannadood oo xarig ah iyo ku dhowaad magdhow hal milyan oo karoon ah, nin iskuullada ka howlgeli jiray oo lagu eedeeyey dembiyo ey ka mid yihiin kufsi iyo faraxumeeyn uu u geeystay ilmo.

Henrik Aspengren, garsooraha maxkamadda degmada Lycksele ayaa sheegay iney falalkani yihiin kuwo daran. ”Waxey la xiriiraan falal culus oo kufsi ah oo afartameeyo jeer gaareya iyo tiro u dhiganta oo faraxumeeyn culus oo carruureed ah,” sida uu hadalka u dhigay.

Ninka dacwadda lagu soo oogey ayaa qirtay inuu badankood dembiyadan galay, hase yeeshee wuxuu diiday in loo arko kuwo qara wayn. Arrintan ayaa walaac ku abuuraysa Soomaali badan oo ay carruurtooda yaryari dhigtaan iskuullada Sweden.


Sharikadda soo saarta agabka looga shaqeeyo ee Sandvik oo uu hoos u dhacay dalabka adeegyadeedu ayaa haatan guddoonsatey inay shaqada ka eryaan 2,000 oo shaqaale ah.

Ilaa haatan waxaa shaqada ka tegey 450 shaqaale sanadkan oo qura. Faa’iidada shirkadda ayaa sanadkan noqotay 4 bilyan iyo 692 milyan oo karoon canshuurta kahor, waana mid ka yar tirade sanadkii tegey.


Sannadkan ayaa ku beegan 20 guuradii bilowgii ciyaaraha kuleeylaha kubbadda cagta Soomaalida ee Seuki oo lagu qabto magaalada Stockholm.

Waxaana ciyaarahan waayo aragnimo badan ka kororsaday dhallinyarada ka qayb gasha, sida uu sheegay  Cabdikariin Dilixow, guddoonka guddiga farsamada ee ururka Seuki, mar uu wareeysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Sweden.

Hadalsame Media