DHEGEYSO: Koobka SEUKI oo bilowday, war kasoo kordhay sababta shilka dayuuraddii dhacday & warar kale

0

(Stockholm) 15 Luulyo 2019 – Waxaa Sabtigii si rasmi ah u bilaabmay tartanka Seuki dufcadda 2019 kaasoo xagaa kasta ay ka qayb galaan kooxo ka kala yimid qaaradda Yurub, laguna qabto xaafadda Spånga oo ka tirsan Stockholm. Waxaa tartanka sannadkan ka qayb qaadanaya ilaa 12 kooxood oo ku kala jira saddex guruub oo ka kooban min afar kooxood.

Cabdi Kariin Dilaxoow oo ah guddoonka Guddiga Farsamada tartanka ayaan waydiiyay sababta loo dhimay tiradii kooxaha oo awal intan ka badnayd.


War cusub ayaa kasoo kordhaya baarista ku socota shilkii shalay lagu hoobtay ee ka dhacay bannaanka magaalada Umeå halkaasoo ay 9 qofi ku naf waayeen.

Hay’adda Baarista Shilalka Qaranka ee Sweden ee Haverikommission ayaa warsidaha Dagens Nyheter u sheegtay in dayuuradda uu baal ka go’ay xilli ay hawada ku jirtey. Raqda dayuuradda ayaa loo qaadayaa Strängnäs si loogu sameeyo baaritaanno dheeraad ah.


Waxaa maanta magaalada Gothenburg ee caasimadda 2-aad ee dalkan Sweden ka bilaabmaya tartan kubad cageed oo ay dhallinyaro iskugu timaaddo midka ugu wayn adduunka, kaasoo ah Gothia Cup oo sanadkiiba xagaaga la qabto.

Elin Johansson, Waa Maareeyaha Mashruuc la yiraahdo Celebrate the Game oo uu halku dheggiisu yahay ‘’aan ciyaarno’’ kaasoo ay gacan ka gaysanayaan hay’adaha caymiska. Waxay ka Elin ka sheekaynaysaa ujeedka mashruucan.

”Ujeedku waa abuuritaanka jawi wanaagsan oo ay da’yartu kubadda ku ciyaarto, ujeedkuna wuxuu yahay inaan xusuusino inay xushmad isu muujiyaan iyo inay si wanaagsan isula dhaqmaan garoonka gudihiisa iyo dibeddiisaba,” ayay tiri.

Hadalsame Media