DAAWO: ”Ilhaan Cumar waxay ka timid Somalia oo ah dal & dowlad Fashilantay!” – Trump oo warkiisa caddaystay!

0

(Washington, DC) 15 Luulyo 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa markale weerar ku qaaday xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga kuwaasoo uu horay u sheegay inay ku laabtaan “dalalkooda ay dembiyadu la degeen” ee ay asal ahaanta kasoo jeedaan.

Yeelkeede, Trump oo arrintaa aad loogu cambaareeyay ayaa markale ku celiyay warkiisa, isagoo weliba wax kasta waadax ka dhigay iminka, isla markaana si cad u xusay Somalia oo uu ku tilmaamay ”dal fashilmay.”

”Had iyo goor waa cataabayaan, haddii aysan faraxsanayn ha iska bexeen!” ayuu yiri Trump oo raaciyay.

”Mid baan eegay, waxaan eegay Cumar, mana aqaanno oo weligay lama kulmin, waxaan eegay sida ay uga hadasho Al Qaacida iyo daarihii Ganacsiga Adduunka ee New York.” ayuu yiri.

”Mar baad haysaa qof ka yimid Somalia oo ah dal iyo dowlad fashilantay, kaddibna halkan timid oo xildhibaanad noqotay, misna aan abidkeed faraxsanayn.” ayuu ku qayliyay Trump.

Hadalsame Media