
(Milano) 14 Luulyo 2019 – Kaddib markii ay heshiis la gaartey Empoli, AC Milan ayaa sidoo kale xallisay madmadoow soo kala dhex galay iyaga iyo laacibka Ismael Bennacer.
Sidaa darteed, heshiiska ayaa hal tillaabo u jira in lasoo af jaro. Sida uu qorayo Tuttosport, kubad qaabeeyaha reer Algeria oo uu caawa xulkiisu Nigeria ku wajahayo nus-dhamaadka Koobka Qaramada Afrika ayaa qandaraaska cusub saxiixi doona isla todobaadka soo aaddan.
Dhanka kale, laacibka Jordan Veretout ayaa saacadihii ugu dambeeyay usii dhowaanayay AC Milan marka loo eego AS Roma. T
Isla Tuttosport ayaa qoraya in laacibkan Faransiiska ah ee khadka dhexe ee door bidaya ku biiritaanka Rossoneri, oo maalmihii ugu dambeeyay wanaajisey dalabka ay u bandhigayso Fiorentina.
Macallinka cusub ee AC Milan ee Marco Giampaolo, oo ah tababare door bida laacibiinta farsamo, ayaa si gaar ah u codsaday labadan laacib.
Hadalsame Media