(Hadalsame) 13 Luulyo 2019 – Hodon Naalleeye waxay ku dhalatay Soomaaliya 1976-kii, Waxay lasoo kortay qoys ballaaran oo ka kooban Afar wiil ah iyo Todobo Gabdhood.
Iyadoo la socota waalidiinteeda iyo walaalaheed, waxay Hodon Naalleeye markii dambe u haajireen Canada sanadkii 1984-kii. Waxay markii hore degeen Edmonton, Alberta, kahor inta aysan ugu dambayntii u soo guurin Toronto 1992-kii.
WAXBARASHADEEDA
Hodon Naalleeye waxay ka soo qayb gashay Machadka West Humber, oo ah dugsiga sare ee Etobicoke. Waxbarashadeeda dugsiga sare kaddib, waxay ku biirtay Jaamacadda Windsor, halkaas oo ay ka heshay Bachelor of Arts in Communications.
SHAQADEEDU MAXAY AHAYD?
Waxa ay aheed Hodon Naaleeye qof isku ah gayfane bulsho, la taliye warbaahineed iyo xitaa hal abuur ganacsi. Waxa ay ahayd Madaxwaynaha Cultural Integration Agency iyo Madaxwayne ku xigeenka Sales & Programming Development of Cameraworks Productions International.
Hodon Naalleeye waxa ay ahayd asaasaha TV-ga Integration, kaas oo gaara malaayiin Soomaali ah, waxa ay qaabilsaneyd qaybta dadweynaha ee saameynta leh, guddoomiyaha T.V gana waa ahayd , Naalleeye waxay bedeshay bulshada iyada oo kor u qaaday wacyiga dadwaynaha, waxayna soo gudbin jirtay sheekooyin wax ku ool ah, waxayna tababari jirtay wariyayaasha.
LABA ARRIMOOD AYAY U TAAGNAYD
Waxaa intaa dheer in marka laga yimaado dabeecadda furan iyo niyad wanaagga Hodan ay sidoo kale Naalleeye ku dadaali jirtey laba arrimood oo aysan inta badan xeerinin saxaafadda maxalliga ah ee Soomaalidu kuwaasoo kala ah:
1 – Inay ilaalin jirtey midnimada gayi ee dalka, iyadoo meel kasta oo ay tagto kusoo qori jirtey inay tahay Somalia, xitaa marka ay tagto Hargaysa oo ay dad badani arrintaasi xasaasiyad ka qabaan, taasoo muujinaysay go’aan adayggeeda iyo kartideeda.
2 – Waxay ku dadaali jirtey inay dunida tusto Somalia qurux badan kana geddisan midda ku jirta maanka mujtamacaad badan oo caalamka ku filiqsan, si ay uga masaxdo masawirrada warbaahinta galbeedka oo badiyaa sawir cabsi leh ka gudbisa Somalia, iyadoo sidaa ku dhiirri gelin jirtey dadka dadaalaya ee ku sugan dalka.
”Igu xusuusta inaan ahay qof jecel inay Soomaalidu walaaloowdo. Marka ay dunidu Somalia Google iyo Youtube ka baarto inay wax fiicani usoo baxaan igu xusuusta haddaan dhinto.” ayay tiri Hodan mar ay jeedinaysay war u ekaa dardaaran hormaris ah.
QOYSKA HODAN NAALLEEYE
Hodan waxay ahayd hooyo leh labo carruur ah, walaasheed Degan Nalayeh waa madax sare oo ah madaxweyne ku xigeenka madaxa la talinta macaamiilka gaarka ah ee Maraykanka, ka sokow Soomaali, Hodan waxay sidoo kale si fiican u taqaanney luuqadda Ingiriiska.
Hodon Naalleeye, waxa ay dalka ka maqnayd in ka badan 30 sano waxa ayna dib ugu soo laabtay wadankeedii hooyo ayadoo ayaamihii dambe ku sugnayd magaalada Kismaayo oo ay ku wada geeriyoodeen ayada iyo Saygeedii Jamaal.
GEERIDEEDA
Hodon Naalleeye waxa ay geeriyootay maanta oo ay taariikdu tahay 12 Luulyo 2019, Da’deeda waxa la qiyaasayaa inay u dhaxeeysay ilaa 42-43 sano, dhimasheeda waxaa sababay qarax shalay ka dhacay hoteel ku yaalla magaalada kismaayo.
Waxaa Qortay: Suleeqo Maxamuud (Qabowsade) & Maxamed Xaaji
Hadalsame Media