(Hadalsame) 13 Luulyo 2019 – Hodan Naalleeye, qalbiga ayaanan laga goyn karayn.
Ilaahay jannadii iyo naxariistiisii haka waraabiyo, hablaha geeska ayay astaan qaaliya u ahayd, bulshooyinka martida ku ah galbeedka waxay u ahayd tusaalaha ugu wanaagsan ee laga qaadan karo, hawlkaraan bay ahayd ka midho dhalisay dedaalkii ay u gashay inay sawir qurxoon ka bixiso Soomaalida iyo muslimiintaba.
Wadaniyad dad iyo dal jecel inay ahayd waxaad ka arkaysaa, lebiskeedii hagoognaa, hidda jaceylkeedii, isku kalsoonaanteedii iyo siday ugu raaxaysan jirtay soomaalinimadeeda waxaad arkaysay farxadda iyo dhoolacadeynta qalbiga kasoo shidaal qaadanaysa ee wejigeeda kasoo iftiimyay dharaaraha ay dhulka hooyo joogto.
Dareenka dal jacaylka iyo u hagarbaxa dadkeeda, wuxuu ka ahaa kal iyo laab iyo lillaahi, ilaa maalintii iigu horreysay ee aan ka daawado muuqaal ay ku wehelisay Marxuumad Saado C. Warsame iyo xeryaha Qaxootiga Kenya.
Waxay aaminsanayd wax ka weyn waxa in badan oo inaga mida ku diyowday.
Lama goyn karin Hodan Ilaahay ha janneeyee, waxaan ku xassuustaa ”Naag iska dhig” iyo ”Dumarnimo oo gashatay halka Raganimo”.
Af-soomaali badan ma aanay aqoon, misana labadeeda kalmadood way ku deeqayeen, sidaas oo ay tahay kalsooni buuxda ayay ku qabtay karaankeeda afka hooyo.
Hodan Walaal aan jeclahay ayay ahayd, Ilaahay ha jeclaado, ha janneeyo, samir iyo iimmanna ha inaga siiyo.
Xiddigtii Geeska.
Waxaa Qoray: Abwaan Khaliif Faarax Xayir
Hadalsame Media