(Amsterdam) 12 Luulyo 2019 – Daafaca Matthijs De Ligt ayaa la sheegay inuu ugu dambayn la heshiiyay kooxda Juventus iyadoo ay harsan tahay in lagu dhawaaqo tibxaha heshiiska, sida uu qorayo warqaadka Telegraaf oo kasoo baxa Holland.
Sida uu wargaysku qorayo, De Ligt ayaan kooxdiisa ula safraynin Austria oo ay qabanayso kooxda Ajax kaddib markii ay Juve ogolaatay €70m oo euro + bareemiyo oo laacibka lagu baayacayay.
Yeelkeede, maareeyaha ciyaaraha Ajax ee Marc Overmars ayaan arrintan ka hadlin, waxaana gacanta ku haya wakiilkiisa Mino Raiola, laacibka aabihii iyo la taliyihiisa Barry Hulshoff, iyadoo Bianconeri lagu khasbay inay 19-jirkan la xaajoodaan, sida uu sheegayo Sky Sport Italia.
De Ligt ayaa ka mid ah daafacyada ugu adag ee haatan soo baxaya, isagoo labada koob ee maxalliga ahaa la qaaday kooxdiisa Amsterdamers isla markaana gaarey nus-dhamaadka Champions League isagoo dhamaadka Nations League la gaarey Netherlands.
Hadalsame Media