DAAWO: Turkiga oo helay qaybtii ugu horreeysey ee gantaalaha S-400

0

(Ankara) 12 Luulyo 2019 – Turkiga ayaa iminka guddoomey qaybtii ugu horreeysey ee agabka hannaanka daafaca gantaalaha ee S-400 oo uga yimi dhanka Moscow, isagoo dhegaha uga furaystay cadaadiska Washington oo ku boorisey inay Turkigu heshiiskan ka baxaan.

Agabka oo furfuran ayaa kasoo degey saldhigga ciidamada cirka ee Murted oo ku yaalla banaanka Ankara saacado yar uun kahor, sida ay war kooban ku sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo sheegtay inay timi shixnaddii 1-aad isla markaana ay wax kasta ku dhacayaan sidii loo qoondeeyay.

Labada dal ayaa 2017-dii kala saxiixday in Turkiga loo daabulo 4 batari oo ah gantaalaha S-400, taasoo keentay inay Turkiga isku dhacaan Maraykanka oo ku doodayay in iibsiga hubka casriga ah ee Ruush sameega ihi uu halis ku yahay NATO iyo danaha Maraykanka.

Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa maalin dhowayd ku hanjabtey inay cawaaqibi daba socoto tillaabada Turkiga.

 

Hadalsame Media