Xaaska Nainggolan oo laga helay cudur halis ah (Farriin dhiillaysan)

0

(Milano) 11 Luulyo 2019 – Xaaska Radja Nainggolan ayaa daboolka ka qaadday inay la tacaalayso cudurka feexda ama kansarka kaddib markii Claudia Lai Nainggolan ay Instagram soo dhigtay farriin dhiillo leh oo ay ku sheegtay inay soo martay laba bilood oo ‘cabsi iyo calwasaad leh’.

“Waxay ahayd hal bil oo aan subax kasta soo toosayay anigoo rajaynayay in wixii aan arkay ay ahayd calwasaad. Balse maanta laga bilaabo waa ii cutub cusub oo noloshayda ah … Waana dawada lagu dilo ama lagu sumeeyo unugyada buka (Chemotherapy).” ayay tiri.

“Nasiib wacan qof kasta oo ku nool calwasaadkan oo kale. Marna ha dhumin dhoolla caddayntaada.” ayay daba dhigtay.

Reerka Radja iyo Claudia Lai ayaa rukumada loo taagey 2011 iyagoo isu dhalay gabar la yiraahdo Aysha.

Hadalsame Media