(Tehraan) 10 Luulyo 2019 – Dowladda Iiraan ayaa ku hanjabtey inay burburin doonto saldhigyada ciidan ee ay Maraykanku ku leeyihiin gobolka Gacanka, haddii ay sameeyaan ‘khalad yar’.
Abaanduulka Taliska Dhexe ee Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga, Hossein Nejat, ayaa ku falax gooddiyay in gantaalaha Iiraan ay wada gaarayaan dhamaanba saldhigyada uu Maraykanku Gacanka ku leeyahay, sida ay faafisay wakaaladda Tasnim.
”Gantaaleheennu waa gaaraan saldhigyada Maraykanka … Waxaana burburin doonnaa maraakiibtooda dayuuradaha xambaara haddii ay khalad sameeyaan,” ayuu yiri Hossein Nejat oo sheegay inay Maraykanku ka dheregsan yihiin cawaaqibka tillaabo kasta oo ay qaadaan oo ka dhan ah Iiraan.
Hanjabaaddan ayaa imanaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda Washington iyo Tehraan, sanad uun kaddib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee dalkaa lala galay 2015-kii.
Waxaa haatan soo baxaysa in Maraykanku uu Masar ku dalbaday markab saliid qaade ah oo laga leeyahay Ukraine kaasoo sidey saliid ay leedahay Iiraan, balse lagu qabtay hilin biyoodka macmalka ah ee Suways.
Hadalsame Media