Fanaan ku heesi jirey inuusan ”geeri ka baqaynin” oo lagu dhuftay 300 xabbo + Sawirro

0

(Ciudad de Obregón) 10 Luulyo 2019 – Heesaa caan ka ahaa dalka Mexico oo xitaa mar miraha heestiisa ku sheegay inuusan geeri ka baqaynin, ayaa waxaa dil dhagaraysan loogu gaystey woqooyiga dalka Mexico.

Luis Mendoza, 23 jir, ayaa la safrayay Agaasimihiisa Shaqada iyagoo ku joogey gaari ah Chevy cad oo dusha ka furan, waxaase amintii 4-tii galabnimo ee xilliga maxalliga ah gaaday baando wadatey laba gaari, kuwaas oo ku helay magaalada Ciudad de Obregón, gobolka Sonora.

Medoza ayaa ku luuqayn jirey heesaha narcocorridos, ama drug ballads oo ay aad u neceb yihiin qabqablayaasha daroogada safriya, kuwaasoo ninkan u arkayay qodax qalbiga uga taalla, maadaama uu heesaha ku maagi jirey qolooyinkan.

Kooxdii soo weerartay ayaa la sheegay inay gaarigii uu saarnaa ay ku dhufteen 300 oo xabadood oo ay uga keeneen dhinac kasta gaarigii uu saarnaa.

Mendoza iyo Agaasimaha ayaa la sheegay inay u socdeen duugta nin lagu naanaysi jirey  ‘Pepe Gangas’, kaasoo Khamiistii la diley.

Waxaa miraha heestiisa ka mid ahayd marka suugaanta Soomaalida la waafajiyo: ‘Anigu geeri kama boqo, balse waan is ilaalshaa, haddii ay i maagaan. Bastoolad afartan qaada iyo 30 xabadood oo laga ridey, waxaa igu jira qashirka 5 xabadood.”

‘I’m not afraid of losing my life,’ Mendoza chirped, ‘But I take care of myself if they get excited. A .40 [pistol] and 30 shots, I have 5 cartridges with me.’

Cidna weli looma xirin khaarajintan dhacday.

Hadalsame Media