(Paris) 10 Luulyo 2019 – Gabar kibirsan oo la dhalatay wiilka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Carbeed ayaa iminka dafiraysa inay ilaaladeeda ku amartay in si xun loo garaaco nin qurxiye ah oo ka shaqaynayay guri qaali ah oo ay ku leedahay magaalada Paris.
Hassa bint Salman oo uu dhalay Boqor Salmaan isla markaana dabcan la dhalatay wiilka awoodda badan jeer uusan weli xilkiiba la wareegin ee Moxammed bin Salmaan ama ‘MBS’ oo loo arko hoggaamiye beenaadka dalkaasi ayaa arrintan murugada leh kula kacday ninka shaqaalaha ah.
Hassa bint Salman, ayaa ku eedaysan inay ilaaladeeda Rani Saidi ku dalbatay ninka shaqaalaha ah ee Ashraf Eid after kaddib markii uu sawir uun ka qaaday gurigii uu qurxinayay bishii Sebtember 2016-kii.
Eid, oo sheegay inuu sawirka u qaaday shaqada darteed ayaa la xirxirey kaddibna lagu armay inuu shumiyo cagaha Hassa oo xilligaa ku qaylinaysa ”dil dameerka nolol ma istaahilee!”, sida uu qoray warqaadka Faransiiska ah ee Le Point.
Amiiradda Hassa oo 40-jirka sii dhaafaysa ayaa isu sawirta qof gacan furan, naxariis badan isla markaana u doodda xuquuqda haweenka. Dacwad ayaa iminka kiiska ka furan.
Walaalkeed ayaa horay ugu eedaysnaa inuu toogtey dad badan, waxaa se ugu darnaa kiiskii aadka looga hadlay ee lagu qalay weriyihii Jamaal Khashuuqji oo lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.
Hadalsame Media