KAGAME: Madaxwaynaha ugu dheer qaaradda Afrika balse qoyskiisa ugu gaaban!

0

(Kigali) 09 Luulyo 2019 – Dhererkiisu waa 6 cagood iyo 2 inji, Madaxwaynaha Rwanda ee Paul Kagame wuxuu sidaa shaki la’aan ku yahay Madaxwaynaha ugu dheer guud ahaan qaaradda Afrika.

Yeelkeede, waloow uu dhankaa boos ka xirtey misna baydkiisa isagaa ugu gaaban, waayo carruurtiisa iyo xitaa wiilka uu sodogga u yahay ee Bertrand Ndengeyingoma, gedigood waa ka wada dheer yihiin.

Isaga iyo weliba xaaskiisa ayaa ugu gaaban marka ay soo saftaan qoyska reer Kagame, iyadoo ay sawirkan baraha bulshada soo dhigtay gabadhiisa Ange oo ay dhowaantan is guursadeen Ndengeyingoma oo ay muddo dheer isku cindanaayeen.

Hadalsame Media