(Muqdisho) 09 Luulyo 2019 – Sida ay sheegayaan warar aynaan weli xaqiijin karin, Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay burburiyeen hanti isugu jirtay gaadiid iyo guryo beero ku yaala gobalka Shabeaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada Danab ay burburiyeen hantidii taalley ilaa afar beer oo ku yaala shabeelaha hoose labadii bil ee ugu danbeysay. Beerihii ugu danbeeyay ee ciidamada isgarabsanaya ay weeraraan ayaa waxaa iska leh muwaadiniinta kala ah Warsame, Muxudiin, Cabdi Shiikh iyo Axmed Warsame.
Amnesty waxa ay sheegatay in ay diiwaan galisay dhimashada 14 qof oo rayid ah kadib markii ay wareysatay 150 qof oo isagu jira ehelada dadka dhintay iyo goobjooga yaal. Beeraha ay ciidanka danab iyo Mareykanku weerareen waxaa ka mid ah beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle taas oo wasaarada difaaca mareykanka ay qirtay.
Labadii sano ee ugu danbeysay waxaa mareykanka ay soomaaliya ka fuliyeen 110 weerar waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 800 oo shabaab ah. Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig ku leh garoonka Ballidoogle halkaas oo sidoo kale saldhig u ah ciidanka Danab ee Soomaaliya.
Hey’adda Amnesty international ayaa bishii Maarao ee sanadkan sheegtay in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay ku dhinteen dad rayid ah taas oo ah danbi dagaal.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre
Hadalsame Media