(San Juan) 08 Luulyo 2019 – Hooyo ayaa “xanuun la qaylisay” kaddib markii uu cunugeeda oo 18-bilood dhallanaa uu kasoo dhacay qaybta ugu sarreeysa markab tamashle ah.
Cunugga yar ayaa kasoo dhacay dabaqa 11-aad ee markab la yiraahdo Freedom of the Seas, isagoo ku dhacay sagxad shub ah oo uu saqaf u ahaa dhisme ka hooseeyey, kaddib markii uu ka fara baxsaday awoowgii oo meel dariishad ah.
Ilmaha ayaa isbitaal loola cararay balse markii isbitaalka la keenayba wuu geeriyoodey.
Mid ka mid ah rakaabkii qoyska ka ag dhowaa markii uu dhacayay shilkan nasiib darrada ah ayaa sheegay in aanu abid maqal wax u dhigma ooyinta iyo qaylada murugada xambaarsan ee uu ka maqlay hooyada dhashay ilmaha yar, isagoo la hadlay Telemundo PR .
Markabka ayaa la sheegay inuu xilligaa ku xirnaa dekedaha xeebaha San Juan oo ah caasimadda gasiiradda Puerto Rico. Awoowaha ayaa la sheegay inuu ilmaha yar ciyaarsiinayay isagoo daaqadda taagan.
Hadalsame Media