Madaxweynaha Puntland oo qaabiley wefdi uu hoggaaminayo Ergayga QM ee Somalia + Sawirro

0

(Garoowe) 08 Luulyo 2019 – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya.

Danjire James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale oo ay hay’adohoodu halkaa mashaariic ka fuliyaan.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wefdiga uu hogaaminayo, ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

Hadalsame Media