(Kigali) 08 Luulyo 2019 – Kooxda Heegan ee dalka Somalia ayaa haatan ka qayb qaadanaysa tartanka naadiyada Bariga & Bartamaha Afrika oo haatan ka soconaya dalka Rwanda.
KooxdaHeegan FC ayaa kulankeedii 1-aad laga badiyay kaddib markii ay 06-dii bishan Luulyo ay guul daro 2-0 ah kasoo gaartay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan dalka Zambia.
Kooxda Heegan ayaa galabta ciyaareysa kulankeedii 2-aad iyadoo wajaheysa naadiga reer Uganda ee Proline. Hoos ka eeg xogta ciyaarta.
XOGTA CIYAARTA:
Kooxaha: Heegan Vs Proline.
Tartanka: Kagame InterClub Cup.
Garoonka: Amahoro (Kigali)
Saacadda: 14:00 PM ama Siddeed saac.
Hadalsame Media