Khayrre oo mar kale Cadaado ku noqday Gaalkacyana u jihaystey (Wixii uu kala kulmay)

0

(Cadaado) 08 Luulyo 2019 – Sida aannu kasoo xiganayno ilo goob joog ah, odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa diiday inay la kulman R/wasaaraha DF Somalia Xasan Cali Khayrre oo saakay gaaray Cadaado.

Wararka ayaa sheegaya in odayaasha ay ku doodayaan inuu ”Khayre uga baxay balan hore” haatana aysan la kulmi doonin.

Khayrre ayaa deeto la kulmay siyaasiyiinta degaanka oo uu u jeediyay in la taageero qorshaha lagu dhisayo Galmudug sal ballaaran, yeelkeede, siyaasiyiinta ayaa Khayrre u sheegay in talada reer Cadaado ay ka go’do odayaasha dhaqanka, sida uu noo sheegay weriye Liibaan Cajiib.

Kheyrre iyo wefdigisa aya hadda ka baxay cadaado isagoo ku wajahan Gaalkacyo oo uu sidoo kale kulamo kula qaadan doono dadka degaanka.

Hadalsame Media