Jacaylkii casri jaahiliga midkii ugu darnaa wuxuu ka dhacay Maka (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 08 Luulyo 2019 – Jacaylkii Boodhari iyo Hodan, kii Qays iyo Leyla, kii Romeo iyo Juliet iyo kuwo kale oo badan oo aad taqaan labadii is jeclaa waxaa ka la geeyay cadaawad qabyaaladeed ama saboolnimo. Laakiin dunida waxaa u gu adag labada ay caqiido ka la geyso. Aan soo koobo qiso dheer oo jacayl oo holaca iyo dhamacda ka kulul laakiin aanay dadku aad u wada aqoon.

Intii aan Rasuulka scw loo waxyoon Maka waxaa ku wada noolaa wiil iyo gabadh dhallinyaro ah oo habrawadaag ah, kuwaas oo is jeclaaday inta laba qofi is jeclaan karaan. Isaga waxaa la odhan jiray Abuu Caas Rabiica, iyadana Zeynab Maxamed. Dabadeed Abuu Caas Zeynab aabbaheed buu wayddiistay, Maxamedna wax uu u sheegay in uu ka warsugo inta uu inantiisa la soo tashanayo.

Zeynab kolkii aabbaheed wayddiiyay in ay wax ka qabto in uu siiyay habarwadaaggeed Abuu Caas jawaab waa ay kari wayday jacayl dartii, laakiin aabbaheed dareenkeeda iyo wajigeeda casaaday ayuu ka gartay in yarta la gu weyn yahay. Sidii buu u gu guuriyay. Ilaa halkaa qisado waa is ka caadi.

Beri dambe reerkii oo is ku badhaadhay oo janno adduun ku jira, oo isu dhalay Cali iyo Umaama, Abuu Caas ha safro. Safarkana waagaas waa la gu raagi jiray oo bilo dhan baa Shaam la gu maqnaan jiray. Goortii uu soo noqday Zeynab war weyn oo cajab leh bay ka la hor timid gacaliyaheedii.

Wax ay u ga warrantay in aabbaheed Maxamed scw loo waxyooday oo uu Rasuul noqday, iyaduna ay rumaysay oo muslintay. Oo maad i la sugtid ayuu wayddiiyay. Dee aabbahay ma aan beensan beenna ma sheego, keligayna ma aha ee dad badan baa muslimay, sida hooyaday iyo ina adeerkay Cali iyo habarwadaaggeen Cismaan iyo saaxiibkaa Abuu Bakar.

Abuu Caas Zeynab wax uu u sheegay isaga in aanay ka suuroobin in uu muslimo oo aabbayaashii ku wacadfuro. Qir iyo qir. Yeelkood ee jacaylkoodii ma dhaawacmin, wax ayna ku heshiiyeen in ay ka la diin duwanaanta isu gu dulqaataan. Sidii bay noloshoodu u qurux badnayd iyaga oo ka la diin ah. Maalintii dambe waxaa timid in muslinku Madiina u hayaamaan.

La soco qaybta 2-aad…

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media