DEG DEG: Donald Trump oo sheegay in uusan la macaamili doonin Danjiraha UK u fadhiya Maraykanka!

0
Republican presidential candidate Donald Trump gestures and declares "You're fired!" at a rally in Manchester, New Hampshire, June 17, 2015. REUTERS/Dominick Reuter TPX IMAGES OF THE DAY FOR BEST QUALITY IMAGE ALSO SEE: GF10000188014 - RTX1GZCO

(Washington, DC) 08 Luulyo 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa furka ku xooray Danjiraha Britain u fadhiya Washington DC oo lasoo dusiyay isagoo aflagaaddaynaya isaga.

Trump ayaa markiisa weerar ku qaaday guud ahaanba maamulka haatan ka jira Britain, gaar ahaan RW Theresa May oo uu ku dhaliilay qaabka ay u maaraysay Brexit.

”Ma aqaanno Danjiraha, balse waxaan ogahay inaan halkan Maraykanka laga jeclayn ama aan laga fikirin. Mana la macaamili doonno hadda kaddib.” ayuu yiri Trump oo farriin soo dhigay Twitter-ka.

Trump ayaa dhanka kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay Britain goor dhow yeelanayso RW cusub, isla markaana uu aad ula dhacay Boqoradda dalkaasi oo qura markii uu bishii hore halkaa ku tegey booqasho rasmi ah. RW La sugayo ee Britain waa Boris Johnson oo u dabci isla Trump laftiisa.

Sir Kim Darroch ayaa Trump ku tilmaamay mid “bilaa xirfad ah,” “damiin ah,” isla markaana “sirgaxan.” Yeelkeede, waxay dhibaatadu ka taagan tahay arrintan oo abuurtay weji gabax iyo yax yax diblomaasiyadeed.


Hadalsame Media