Wasaarad Dibadeedka DF Somalia oo soo saartay warar is BURRINAYA oo lala yaabban yahay!

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2019 – Warar soo gaaraya Hadalsame Media ayaa muujinata Wasaarad Dibadeedka Somalia oo u muuqata mid ku dhawaaqaysa go’aan cusub oo khuseeyn kara dalal dibedda ah.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa la filayay inuu kasoo muuqdo shir jaraa’id oo lagu qabanayo xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho, marka ay saacada maxalliga ihi tahay 2-da duhurnimo, waxaana xitaa loo yeeray Wariyeyaasha gudaha iyo dibedda oo lagu casuumey inay ka soo qeyb galaan shirkaa jaraa’id.

Waxaa loo badinayay in waxyaabaha uu ka hadli doono ay ka mid ahaayeen arrimaha Kenya, gaar ahaan xiisada diblomaasiyadeed ee ay Kenya bilihii dambe iskeed u abuurtay iyadoo qaadday dhowr tillaabo, iyadoo la filayay in markii ugu horreeysay ay DF Somalia ay qaadayso tallaabooyin dhinaca diblomaasiyadda ah oo aan weli la sii saadaalin karin waxa ay noqon karaan.

Yeelkeede, war kale oo kooban oo kasoo baxay isla Wasaarad Dibadeedka Somalia ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe dib loo dhigay shirkaa jaraa’id ee ay qaban lahayd Wasaaraddaasi, iyadoo aan ilaa iminka la ogayn waxa keenaya ogaysiisyadan is khilaafsan.

Beri dhowayd ayay Wasaarad Dibadeedka DF Somalia waxay u yeertey Danjiraha Kenya Xamar u fadhiya si ay ugu gudbiso ashtako ka dhan ah dowladdiisa Kenya, iyadoo sidoo kale wada tashi ugu yeertay Danjiraha Somalia ee Kenya Md Maxamed Nuur Tarsan.

Hadalsame Media