(Conakry) 03 Luulyo 2019 – Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay gaarey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini Conakry oo ah dal yar oo uu Faransiisku gumaysan jirey oo dhaca Galbeedka Afrika.
Wefdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa sii diiran u soo dhaweeyay Wasiir Dibadeedka Gini Mamadi Toure oo wefdiga kusoo dhoweeyay qaybta Marti Sharafta ee gegada caalamiga ah ee Conakry International Airport.
Muuse Biixi aya marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, si ay uga wada hadlaan ”xiriirka labada dhinac”, haddaba dad badan ayaa is waydiinaya halka uu ka yimid xiriirkan marka qura soo baxay maadaama aysan jirin sheeko u horreeysey labada dhinac.
Yeelkeede, warar hoose oo uu helayo hilin wareedka Hadalsame Media ayaa sheegaya in uu arrintan dabada ka riixayo dalka Imaaraadka Carabta oo weli wada siyaasado uu ku khuukhinayo DF Somalia oo uu bilowgii isku dayay inuu rido isagoo adeegsanaya xeelad iyo xoolaba.
Imaaraadka Carabta ayaa xiriir toos ah la leh dalkan yar oo ah mid ku tiirsan khayraadka dabiiiga ah sida beeraha iyo macaadinta heshiisyo badanna kula jira sida DP World oo deked maaraysa konteennarrada ku leh magaalada Kamsar, wuxuuna Imaaraadku arrintan u adeegsanayaa sumad ”waa taase arkaay ah” in ka badan inta ay Somaliland u dhali karto wax dheef siyaasadeed, maadaama aanu dalkani wax saamayn ah haba yaraatee aanu ku lahayn masraxyada siyaasadeed ee qaaradda madoow ee Afrika, isla markaana aanu khilaafi karin moowqifka iyo dastuurka Midowga Afrika.
Halkan hoose ka daawo Sawirro: