Kooxaha Juventus iyo Inter Milan oo waynaysada hoos yimid! (Arrin halis noqon karta oo lagu haysto)

0

(Roma) 03 Luulyo 2019 – Xiriirka K/Cagta Talyaaniga ee FIGC ayaa Talaadadii shalay ahayd soo bandhigay warbixinta maaliyadeed ee kooxaha kubadda cagta Talyaaniga ee sanadkan 2019, iyadoo si gaar ah loo eegayo khasnaha kooxaha kuwa cagaaran ee dakhliga soo saara iyo kuwa cas ee qaamaysan.

Waxaa la yaab noqotay in €700 milyan oo euro oo dakhli ah ay dhiiqeen kooxaha Serie A intii u dhaxaysey min Luulyo 1, 2018 ilaa Juun 30, 2019, iyadoo in ka badan 3 meelood oo meel ay lacagtaasi laacibiin la iibiyay kasoo gashay laba kooxood oo kala ah: Roma (132 milyan) iyo Juventus (113 milyan). Napoli ayaa iyaduna gaartey 86 milyan oo euro.

Dhanka kale, Inter Milan ayaa urursatay €121 milyan ilaa 2014, iyadoo kaliya iibinaysa laacibiinta da’yarta ah sida ay sheegtay. Kiiskii ugu dambeeyay waa xiddig yaraha Pinamonti, kaasoo Genoa looga gaday 18 milyan sida la yiri.

Arrintan ayaa soo jiidatey CIES, oo ah hay’ad madax bannaan oo dabagal ku sameeysa isboortiga fadhigeeduna yahay Switzerland taasoo takhasus u leh ururinta tirakoobyada iyo xogaha asaasiga ah.

Waxay soo qoreen: “Iibka Pinamonti waxaa ka muuqda dallaal iyo mushqaayad la barariyay wuxuuna qayb ka yahay heshiisyo badan oo looga gol leeyahay in loogu gooyo caqabadaha UEFA Financial Fair Play: Sida fikrad wanaagsan qamaar loogu bedelo ka baro kooxaha Talyaaniga. Yaa ku raacsan? ”

Waxaa usoo jawaabey taageere Nerazzurri ah oo isna farta ku godey Juventus oo sheegtay inay lacag ka badan 100 milyan oo euro ku iibisay xiddigo iskaarto ah sida Sturaro, Audero, Cerri, Orsolini, Spinazzola iyo Caldara, balse CIES ayaa ugu war celisey inay ka mid yihiin tusaalooyinka fiican ee la tixraaci karo, iyagoo weliba sheegay inay kuwo kale weli qarsan yihiin.


Hadalsame Media