”Kaaliyeyaashayda waan iska ilaalin jirey!” – Akhri sida ay muhim u tahay inuu hoggaamiyuhu FEEJIGAN yahay

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2019 – Hogaamiyahii hore Midowga Soofiyeeti ee Ruushka Nikita Khrushchev oo ahaa nin saamayn badan ku lahaa xukunka, ayaa mar ka sheekeeyey sida uu uga feejiganyahay dadka ku xeeran ee la taliyeyaashiisa ah. Waxa uu sheegay in uu gacanyareyaashiisa ku amray in warbixinnaha iyo xogaha ay u soo gudbinayaan ay u qaybiyaan laba qaybood;

Qaybta hore oo ah warbixinaha muhiimka ah ee ay waajibka tahay in uu si xeeldheer u wada akhriyo, jawaab, go’aan qaadasho iyo tallaabooyin kale wixii ku haboonna uu ka qaato; iyo qayb kale oo ay ku ururiyaan warbixinaha iyo wararka aan hubaantida ku qotomin ama aan qiimaynta mudnayn ee ay fiican tahay in aanu waqti badan ku lumin akhriskooda, maadaama oo aanay talo iyo tallaabo la qaadaa ka dhalanayn.

Khrushchev waxa uu sheegay, marka ay gacanyareyaashu u soo gudbiyaan warbixinaha oo u qaybsan sidii uu dalbaday. In uu muhiimadda koowaad siin jiray, kuna horreyn jiray akhriska warbixinaha ay ku sheegaan in ay yihiin kuwii aan mudnayn in uu waqti ku lumiyo. Isaga oo arrintaas waxa ku kallifay sheegayana waxa uu caddeeyey in uu ogaaday, in mar kasta wararka iyo warbixinaha ay xoghaynta iyo gacanyareyaashu ku sheegaan macno darradu ay yihiin kuwa muhiimadda weyn leh!

Laba tusaale ayaa innagaga filan dhibta ay leedahay marka uu hoggaamiyuhu dhegeysto talada dadka xun ee uu isku xeeray, iyo marka uu warkooda iyo taladooda maankiisa la kaashado.

Midi waa sheekada kelitaliyihii dunida ugu weynaa ee Fircoon iyo Nebi Muuse (CS). Waxa uu Qur’aanku inooga warramay Fircoon oo ahaa boqor, Ilaah sheegtay iyo sida ay u marin habaabinayeen labadiisii gacanyare ee midina milateriga u qaabilsanaa, waa Haamaan iyo, ka kale oo Qaaruun ahaa oo maaliyadda u hayey.

Waxa ay ahaayeen rag aan xumaanta ka qaban, talada ay siiyaanna mar kasta ahayd mid sii fogeysa uun dembiga iyo kelitalisnimadii uu ku jiray Fircoon.

Ka soo bilow sheegashadii uu Alle sheeganayey, taladii uu reer Bani Israa’iil wiilashooda ku laynayey, diidmadii nebinimada Muuse. Xitaa kama ay joojin tallaabooyinkii iyo go’aamadii uu qaadanayey ee ay caddayd in uu ku guuldarraysanayo xukunkiisana taasi khatar gelinayso. Tartankii sixirka ee Muuse ay la galayeen sixiroolayaashiisu waa mid ka mid ah, tii ugu darnaydna waa markii u dambaysay ee uu Fircoon baacsanayey Muuse iyo intii raacday, go’aankaas oo ay ku wehelinayeen, laakiin noqday kii soo afmeeray xukunkii Fircoon iyo noloshiisiiba.

Muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyuhu maankiisa la kaashado talada iyo fikirrada uga imanaya dadka ku xeeran, waxaa tusaale fiican inoogu filan, sheekada gabadhii maskaxda badnayd ee boqoradda ka ahaan jirtay dalka Yemen xilligii Saba’ la oran jiray.

Boqoraddan oo ay taariikhdu magaceeda ku sheegtay Balqiis, ayaa warqad ka heshay Nebi Sulaymaan oo boqor aad u awood badan ahaa, waxa uu ugu baaqayey in aanay kibir iyo madax adayg kala hor iman ee ay muslimnimo ula tagaan.

Boqoraddu waxa ay u yeertay wasiirradii,la taliyeyaasheedii, golayaashii wadatashiga iyo haldoorkii dawladdeeda, waxa aanay u sheegtay dhambaalka ka soo gaaray boqorka.

Sida lagu yaqaanno gacanyareyaasha iyo dadka ku xeeran madaxda waxa ay u sheegeen in cudud iyo awood badan leeyihiin, diyaarna u yihiin in ay difaacaan dawladdooda, sidaa awgeed aanay u baqan ee ay go’aan gaarto, iyaguna diyaar u yihiin fulintiisa.

Boqoraddii kuma dagsoomin taladoodaas, waayo waxa ay ogtahay dhibta dagaal ay markaas gashaa u lahayd dadkeeda iyo dalkeeda, waxa ay u sheegtay aragtideeda oo ah; duullaanka boqortooyooyinku uu burbur iyo khasaare u horseedo deegaanka lagu qaado, dadkiisana dulleeyo. Waxa ay boqoraddu golahan ay la tashatay u sheegtay tallaabooyin kale oo ay xal ku raadinayso, si aanu boqorkaasi dalkeeda u burburin, waxaa ka mid ahaa in ay ergo u dirto oo ay eegto bal in ay iska laaluushi karaan.

Qisada oo iyada oo faahfaahsan Qur’aanka Kariimka ahi ayaa ka warramay.

Dulucdu waxa ay tahay sida uu hoggaamiyuhu dadkiisa iyo dalkiisa u badbaadin karo, haddii uu yahay ruux soo jeeda oo dadka ku xeeran iyo gacanyareyaashiisa iska xakamayn kara, taladoodana hubsiimo iyo xog-ogaalnimo ku dara, wixii ay u soo jeediyaanna maankiisa la kaashada.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur Maxamed (Colombo)

Hadalsame Media