(Gotland) 03 Luulyo 2019 – Waxaa gasiiradda Gotland weli ka sii socda todobaadka siyaasadda Almedalen. Maantana waxaa tookada leh xisbiga Liberalerna waxaana halkaa ku sugan hoggaamiyaha cusub ee xisbigaasi oo ah Nyamko Sabuni oo ay u tahay markii ugu horreeysey ee ay ka qayb gasho iyadoo xisbigeeda hoggaaminaysa.
Ullevi Berg oo ka tirsan Wakaaladda Ekot ayaa Sabuni hor dhigtay su’aal ku saabsan aragtideeda ku aaddan xisbiga soo galooti diidka ah ee Sveriges Demokraterna (SD), taasoo ah su’aal ay horay ugu kala qaybsameen xubnaha xisbigeedu.
”Farriintaydu waxay tahay inaynaan dowlad la dhisaynin ama aynaan la xaajoonaynin xisbiga SD, balse SD si sax ah ayaa loogula macaamilayaa Baarlamanka sida axsaabta kaleba, ayay tiri Sabuni.
Nyamko Sabuni oo Jimcadii dhowayd uun xilkan loo doortay waxay sidaa ku dhigtay rikoodh cusub iyadoo noqonaysa qofkii ugu horreeyay ee isagoo asal ahaan ajnabi ah loo doorto xilka guddoon xisbi maadaama ay u dhalatay dalka Congo, waxayna sidaa darteed sheegtay inay isu u aragto sawir iyo tusaale ay eegtaan kuna daydaan da’yarta asal ajnabiga ah ee Sweden ku nool.
Waxaa dhanka kale Sabuni la waydiiyay su’aal ku saabsan xeer jajab ka kooban 73 qodob oo la magac baxay ’’73 Program,’’ kaasoo ay ku wada shaqeeyaan 4 xisbi oo labo dowladda wadaagaan sida Social-ka iyo Xisbiga Miljöpartiet, laba kalena ay taageeraan sida xisbigeeda Liberaalka iyo xisbiga CenterPartiet.
”Waan qabaa in xeer jajabka wada shaqayneed ee 73-ka qodob uu dhaliilo badan wajahayo, waayo ma jirto aragti guud oo naga dhexeeysa, marka ma aha bilow fiican iyo sida ay tahay in loo qaado mas’uuliyadda dalka, waxaase iga dhaadhacsan in afartan xisbi ay dhisi doonaan aragti guud oo ku aaddan waxa ay doonayaan si ay uga jiba keenaan shaqada u taalla muddo xileedkan, ” ayay tiri Nyamko Sabuni (L).
Hadalsame Media