(Guriceel) 02 Luulyo 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Md Xasan C Khayrre ayaa gaarey magaalada Guriceel, halkaasoo loogu soo dhoweeyay si heer sare ah.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Dhexe iyo midda maamulka Galmudug sida Md Shaakir ayaa halkaa u tegey booqashooyin uu beryahan ku kala bixinayay gobolka Galguduud.
Waxaa jidadka magaalada iskugu soo baxay boqollaal shacab ah oo sita calamo iyo halku dhegyo muujinaya sida ay ugu jeellan yihiin soo dhowaynta madaxda halkaa gaartey.
Khayrre iyo wefdigiisa ayaa inta ay Guriceel joogaan waxay kulan la qaadan doonaan dhaqanka magaalada oo uu hoggaaminayo Ugaasku.
Hadalsame Media