(Stockholm) 02 Luulyo 2019 – Jonas Sjöstedt oo ah guddoonka Vänsterpartiet kana qayb gelaya todobaadka siyaasadda Almdalen, ayaa ka fal-celiyay hindise ka yimid xisbiga Moderaterna oo uu guddoonkooda Ulf Krestersson shalay soo jeediyay in la joojiyo turjubaanka loo qabanayo dadka ajnabiga ah ee aan luuqadda aqoonin.
Sjöstedt ayaa qaba in arrinta dhan khaldan laga eego, isagoo farta kuu godey in ay dhif tahay qof inta dal kale yimaada aan misna sabab la’aan doonaynin inuu afka maxalliga ah barto, balse ay jiraan dhibaatooyin kale oo aan la doonaynin in xal loo helo, ha yeeshee taa biddaalkeeda ay xagal khaldan wax ka sawirayaan saxaafadda iyo siyaasadda Sweden.
”Waxaa loo qaatay in dadka imanaya dalku aanay doonaynin inay luuqadda bartaan, waxay taasi tilmaamaysaa Sweden-ta 2019, balse sidaa maaha, waa mid aan gebi ahaanba caadi ahayn inuu qof dal kale yimaado ee uu misna diido inuu afka barto, dhibku meel kale ayuu ka jiraa. Waana sida loo qaabeeynayo doodaha siyaasadeed iyo kuwa saxaafadeed ee ka hadlaya dhibaatada jirta, taas oo aan wajahaynin dhibkii saxda ah ee jiray laftiisa, ayuu ku dooday Sjöstedt.
Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in waalid ku nool Göteborg uu muteystay ganaax dhan 600 000 kr kaddib markii ay caruurtooda ka joojiyeen iskuulka iyagoo bilaabay iney guriga ku siiyaan waxbarashada.
Reerka la ganaaxay oo ah Yuhuuda asal raaca ah ee loo yaqaanno ortodox ayaa caruurtooda ka reebay iskuulka maadaama ay iskuulka wiilasha iyo gabdhuhu meel wada fariisanayaan. Maxkamadda ayaa u aragtay inaaney diintu noqon karin sabab caruurta iskuulka looga reebo.
Kaddib markii uu xisbiga Moderaterna soo jeediyay in la joojiyo turjubaanka dadka loo qabanayo si ay dadku afka u bartaan bulshadana u dhex galaan, sida ay sheegeen ayaa waxaa arrintaa ka fal celiyay qaar ka mid waalidiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadda Kista ee magaalada Stockholm ayaa aad uga dhiidhiiyay hindisihaasi uu Moderaterna-ku shalay soo bandhigay.
Safiya Axmed ayaa ka mid dadka aan ku qanacsaneyn hindisaha Moderaterna iyadoo sheegtay in turjubaanka uu muhiim yahay maadaama ay meelaha qaar leeyihiin eray bixinno gaar ah sida caafimaadka.
Hadalsame Media