Calanka Britain oo laga dhex taagey Baarlamanka Hong Kong & Shiinaha oo ka caroodey + Sawirro

0

(Hong Kong) 02 Luulyo 2019 – Booliiska Hong Kong ayaa dib ula wareegay Baarlamanka magaaladaasi kaddib markii ay halkaa la wareegeen dibed baxayaal ka horjeeda dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha, iyagoo gidaarrada Baarlamanka ku xardhay halku dhegyo ay kaga horjeedaan dowladda Beijing.

Dibed baxayaasha ayaa burburiyay agabka Baarlamanka maxalliga ah ee Hong Kong oo ah maamul leh xukun daakhili, kaasoo loo yaqaan Legco Building, waxayna dadkani ka bannaan baxayaan xeer cusub oo dhigaya in dadka dembiga gala ee magaaladaa jasiiradda ah lagu maxkamadeeyo gudaha Shiinaha wayn.

Dibed baxayaashan ayaa dhismaha Baarlamanka ka taagey calanka Britain oo ah dalkii gasiiraddan gumaysanayay kahor 1997-kii oo ah marka ay xorriyadda ka qaadatay ee ay kaddib ku biirtay Shiinaha intiisa kale, sida lagu heshiiyay iyadoo leh maamul-goboleed haysta awoodo maxalli ah oo badan. Arrintan ay ku dhaqaaqeen ayaa waxaa walaac ka muujisay dowladda Beijing oo ah mid aad uga fog aragtida liberaalka ah ee gasiiraddan looga dhaqmo.

Booliiska ayaa dibed baxayaasha u adeegsadey gaaska dadka ka ilmeeya, budad iyo rasaasta cinjirka ah. Carrie Lam oo ah hoggaamiyaha maamulka magaalada ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ka cambaareeysay rabshadaha iyadoo booliiska ku amaantay sida ay arrintan ula xaaleen.

”Dhaqankan cunfiga ihi wuxuu xumaynayaa dhuuxa iyo qiimaha nidaamka iyo kala dambaynta, waana ka xumahay, waxaana dareemayaa in ay muwaadiniintu sidaa ila dareemayaan.” ayay tiri.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah….

Hadalsame Media