DAAWO: Dayuurad ay LUGI ka maqnayd oo ku dul wareegaysey garoonka Tel Aviv oo degtey

0

(Tel Aviv) 01 Luulyo 2019 – Kooxaha Gurmadka ayaa loo darbay dayuurad ay jugi ka gaartey mid ka mid ah taayarradeeda oo kusoo degtey gegada Ben Gurion International Airport ee magaalada Tel Aviv, Israel.

Dayuuradda ayaa dhib la’aan soo degtey, iyadoo la diyaariyay in ka badan 100 dhoolli ama bukaan la roor ah, iyadoo uu maamulka garoonku uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo heer sare ah.

Dayuuradda ayaa muddo ku dul wareegaysey magaalada Tel Aviv, gaar ahaan garoonka, iyadoo lagu amray inay iska daadiso shidaal fara badan si ay u fududaato, haddii uu dab yimaadana khasaaraha loo koobo. Wax waxyeello nafeed ah ama dhaawac lama soo sheegin.

 

Hadalsame Media