(Muqdisho) 01 Luulyo 2019 – Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa u yeertay Danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho, Danjire Lucas Tumbo, si ay ugu muujiso sida aanay ula dhacsanayn hab-dhaqanka Kenya.
DF Somalia ayaa danjire Tumbo u gacan gelisey qoraal cabasho ah oo ay kaga dacwooneyso Kenya, iyadoo ka ashtakoonaysa war lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya.
27-kii Bishan ayay ahayd markii uu Xoghayaha Joogtada ee Wasaaraddaasi Danjire Macharia Kamau, oo kulan la yeeshay Wasiirka Dibadeedka Somaliland Yaasiin Xaaji uu qoraal Somaliland ”dal” ku tilmaamaya soo dhigay barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.
Yeelkeede, Wasiirad Dibadeedka Kenya ayaa wax ka yar 24 saacadood warkaa waxba kama jiraan kasoo qaadday, iyadoo sheegtay in aanay aqoonsanayn Somaliland, balse ”ay la shaqeeynayaan cid kasta” sida ay tiri.
War Saxaafadeed (Faafin deg deg ah)
Muqdisho, Soomaaliya
Luulyo 01, 2019
Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mudane Macharia Kamau.
Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya.
Hadalsame Media