(Garoowe) 01 Luulyo 2019 – Qunsulka DF Itoobiya u fadhiya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland Jen Mabratu Waldo Aragay, ayaa khudbad uu xalaytoole ka jeedinayay xuska sannad-guurada 59-aad ee maalinta xoriyadda gobollada Koonfureed iyo israaca gobollada Waqooyi iyo Koonfur uga hadlay arrin xasaasi ah oo ku saabsan hanaqaadka dowladnimada dalka Somalia.
Jen Mabratu, ayay la yaab tahay inuu Soomaalida u tilmaamay arrin asaasi ah soo noqoshada dowladnimada Somalia oo dagaalka sokeeye ku burburtay, haatanna dib u kabasho ku jirta, wuxuuna tilmaayay in sida qura ee ay ”Soomaaliya ku xoogeysan karto kuna soo noqon karto” ay tahay inay maamulladu la shaqeeyaan dowladda dhexe ee Federaalka ah.
“Gumeystayaashu kuma tagaan rabitaankooda ee waxay ku tagaan markii ay indhaha dadka ka arkaan iska dhicin,” ayuu yiri Mabratu oo tibaaxay in aan xorriyadda iyo madax bannaanida la isu sadaqayn.
Qunsulka Itoobiyaa ayaa hoosta ka xarriiqay in ay dowladiisa ka go’an tahay taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed, isagoo marka u rajeeyay nabadgelyo iyo horumar.
Itoobiyaa ayaa ka mid ah dalalka aadka uga faa’iidaystay qorshe iyo ujeeddo xumada Soomaalida oo in badan iyagu fala waxa ka khaldan qarannimadooda, balse misna dalal kale ku eedeeya inay faragelinayaan, iyadoo ay caadi tahay in talada lagula yeelanayo haddii aad bixiso fursad noocaas ah, sida ay ku dhisan yihiin qaar ka mid ah aydholojiyadaha siyaasadeed ee caalamiga ahi.
Hadalsame Media