(Berbera) 01 Luulyo 2019 – 5 ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ka xoogsata magaalada Berbera ayaa la dhaawacay kaddib markii ay weerareen shaqaalaha muruq-maalka ee u dhashay magaalada oo ka cabanaya in ay shaqadii ka qaadeen, sida uu sheegay weriye Xasan Galaydh.
Dadka degaanka ayaa ku doodaya in shaqaalaha ajaaniibta ihi ayaa ka shaqeeyaan shaqooyin ay ka shaqayn karaan kuwa deegaanka u dhashay, balse lama fahmi karo waxa keenaya in la waxyeelleeyo.
Wariye maxalli ah oo la yiraahdo Maslax Sidde oo Berbera ku sugan, ayaa sheegaya in iminka dhaawaca shaqaalaha la dhigay Cisbitaalka Berbera.
Arrintan ayay dad badani ku tilmaameen mid aan ku habboonayn dadka lagula kacay iyo kuwa ku kacay toona.
Hadalsame Media