Maxkamadda Rafcaanka oo iyaduna DIL ku xukuntay ragga ku eedaysan dilkii & kufsigii Caa’isha Yar

0

(Garoowe) 30 Juun 2019 – Maxkamadda darajada 2-aad ee Racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa xoojisey xukunka Maxkamadda Degmada ee Darajada 1-aad ee dhacay 12-kii Maarso, kaddib marii ay xukun dil ah ku ridday saddex nin oo ku eedaysan kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar saqiir ahayd oo lagu kufsaday laguna dilay magalada Galkacyo.

Rafcaansanayaasha la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowlad-goboleedka Punland.

Haatan waxaan weli quusanin qarreenka u doodaya eedaysaneyaashan ayaa rafcaan u qaatay Maxkamadda Sare ee Gobolka oo ay u badan tahay inay iyaduna riddo xukun la gudboon labada ilaa haatan dhacay.

Dhegeysiga kiiskan oo aad u damqay dareenka umadda Soomaaliyeed ayaa dhowr mar oo hore dib u dhacay iyadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Falalka kufsiga ah ayaa ayaamihii dambe kusoo badanayay degaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe sida Galdodgob, Galkacyo, Garowe iyo Guriceel, waxayna dadku aad indhaha ugu hayaan kiiskan oo ahaa midkii ugu sii xanuunka badnaa, ugu yaraan inta la ogyahay.

Dadka ayaa is waydiinaya sababta sharci ahaan rafcaan looga qaadan karo xukun loo cuskaday DNA oo ah waxa ugu dambeeya uguna wayn ee caddayn ahaan adduunka loo adeegsado.

Hadalsame Media