Maraakiib shiisheeye oo si aan caadi ahayn uga kalluumaysanaya Somalia (DF wax miyay ka ogtahay?)

0

(Hadalsame) 30 Juun 2019 – Maraakiibta iyo Doonyaha xilligan Kaluumaysiga uga jira Badaha Soomaaliya.

Goor dhaweyd anigoo ku jira xog ururin ku jihaysan macluumaad aan daraasad ka sameynay ayaa waxaan galay bogga Marine Traffic Tracker oo ah bog Internet oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta gooshaysa biyaha baddaha Dunida.

Inkastoo raadaarrada website-kaas uu adeegsanayo aanay qaban maraakiibta dagaalka ama ay ku qoraan unspecified ama maraakiib aanay kala caddeyn xogtooda.

Haddaba marka aad si qoto dheer u eegto maraakiibtaas iyo doonyahaas xeebaha Soomaaliya aad uguma dhowa, balse biyo baddeedka Soomaaliya ayay aad ugu jiraan, waxaana halkaasi ka muuqato in kaluumaysi baahsan uu ka socdo.

Sidoo kale meelaha aad aadku uga socdo kaluumaysigaasi ee maraakiibta iyo doonyuhu ka wadaan, waxay u badan tahay badweynta Hindiya gaar ahaan biyo badeedka ku toosan gobolada Banaadir illaa Nugaal.

Lama oga inay DF Somalia arrintan xog ka hayso oo ay rukhsadda siisay iyo in ay iskood si sharci darro ah uga kalluumaystaan.

Waxaa daba galay: Moowliid Xaaji Cabdi

Hadalsame Media