(Muqdisho) 30 Juun 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.
Janaasada Marxuum Maxamed Qanyare, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.
Madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo, ayaa wuxuu ka mid ahaa madaxdii shalay ka tacsiyaysey geerida Qanyare oo Somalia kasoo noqday askari, xildhibaan ilaa wasiir, isagoo xilliyadii burburka sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii dalka ka jirey.
Marxuum Maxamed Qanyare ayaa lagu aasi doonaa Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale mar ahayd saldhiggiisa siyaasadeed.
Hadalsame Media