DAAWO: Wiil Muslim ah oo arday Danish ah & xitaa macallimiintooda baraya sida loo dukado salaadda & muran culus oo ka taagan!

0

(Copenhagen) 30 Juun 2019 – Dalka Denmark ayaa waxaa ka taagan dood ku saabsan sida loo sameeynayo barnaamijyada is dhexgalka bulshada, kaddib markii uu soo shaac baxay muuqaal ay ka muuqdaan arday Danish ah oo la barayo salaadda ay Muslimiintu dukadaan.

Koox muxaafid ah oo la yiraahdo Difaacayaasha Haybta Yurub (Defenders of European Identity) ayaa markiiba lasoo deg degey wax ay ku sheegeen dhaqan aan la ”aqbali karin” oo ka tarjumaya ‘laqimaadda aragtida Qur’aanka’ oo iskuullada la geeyay.

Muuqaalkan oo soconaya 2 daqiiqadood ayaa muujinaya wiil yar oo Afrikaan ah oo dhallinyarada heerka 3-aad ee iskuulka baraya sida loo dukado salaadda maalinlaha ah ee ay Muslimiintu oogaan.

Waxaa muuqaalka oo ay goobjoog ka yihiin macallimiinta iskuulka ku jirta dhallinyarada iyo macallimiinta qaarkood oo samaynaysa dhaqdhaqaaqyada caadiga ah sida rukuucda, sujuudda iwm, balse erayga aad u gubey qolyaha arrintan cambaaraynaya waa kelmadda ‘Allahu Akbar’ (Alle ayaa wayn).

 

Hadalsame Media