(Xadka labada Kuuriya) 30 Juun 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa noqday Madaxwaynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee isagoo xilka weli haya cagta dhiga ciidda North Korea.
Trump ayaa la kulmay hoggaamiyaha North Korea ee Kim Jong Un oo ay isku arkeen mandiqadda millateriga ka caaggan ee DMZ, waxayna haatan ku jiraan kulan gaar ah oo laba geesood ah.
“Waa wax wanaagsan inaan ku arko mar kale. Balse marna ma filaynin inaan halkan kugu arkayo,” ayuu yiri Kim oo isagoo muusoonaya salaamaya Trump.
Mar sii horreeysey oo isla maanta ah, Wuxuu Trump sidoo kale kulan la yeeshay, isla markaana la qadeeyay, shir jaraa’idna la qabtay MW South Korea ee Moon Jae-in oo ay isku arkeen magaalada Seoul.
Kulanka Trump iyo Kim ayaa imanaya kaddib markii uu Trump soo bandhigay casuumaad uu shalay soo dhigay Twitter-ka, mar uu ka qayb gelayey shirka G20 oo ka dhacay Osaka, Japan.
Labada hoggaamiye ayaa horay u yeeshay laba kulan oo rasmi ahaa oo ka kala dhacay Singapore iyo Vietnam, yeelkeede, waa lagu kala boodey oo waxba kama soo naasa caddaanin.
Hadalsame Media