Taariikhdii Maxamed Qanyare Afrax oo kooban

0

(Muqdisho) 29 Juun 2019 – Siyaasigii Maxamed Qanyare Afrax, oo siyaasadda Soomaaliya si firfircoon ugu jirey min 1991-2013-kii, ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Waloow aan si buuxda loo xaqiijin karin, misna waxaa loo badiyaa in Maxamed Qanyare uu tuulada Derri ee ka tirsan Ceelbuur ku dhashay qiyaastii 1945-kii ilaa 1947-kii, sida uu Hadalsame u sheegay Cismaan Qanyare oo ka mid ah qoyska marxuum Qanyare, wuxuuna muddo dheer ahaa ganacsade ka shaqeysta dalka Kenya, halkaasi ayuuna markii dambe ka taageeri jiray jabhadii ku kacay taliskii Siyaad Barre sida USC.

Qanyare ayaa guddoomiye xigeen u noqday jabhaddii USC oo ka mid ahayd jabhadihii qabaliga ahaa ee sida wayn ula dagaallamay dowladdii millateriga ahayd. Yeelkeede waxay isku dheceen Maxamed Faarax Caydiid oo markii dambe guddoomiye u ahaa jabhaddaasi, isagoo ku biiray dowladdii KMG ahayd ee Cali Mahdi isaga oo noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Qanyare mar ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ugu saamaynta iyo awoodda badnaa magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale Wasiir ka ahaa dowladihii Sal-ballaar, tii Cabdi Qaasim iyo tii Cabdulaahi Yuusuf oo uu sidoo kale 2004-tii, ka mid ahaa murashaxiintii u tartantay xilka madaxtiinimada Soomaaliya isaga oo galay kaalinta 3-aad, waxaana ka horreeyay C/llaahi Axmed Caddow iyo Cabdullahi Yuusuf oo final-ka isla yimid.

SOO IF BIXII MAXAAKIIMTA

Qanyare ayaa markii dambe saldhig wayn ka samaystay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo uu sidoo kale ka sameeyay garoon dayuuradood iyo isbitaal.

Bishii Febraayo 18, 2006, Qanyare iyo siddeed hoggaamiye kooxeed oo kale ayaa shir ay ku yeesheen Degmada Dayniile, Muqdisho oo xarun dhexe u ahayd Qanyare laftiisa, uga dhawaaqay Isbahaysigii la Dagaalanka “Argaggixisada” waxaana dagaal ay aad u taageereen shacabka Muqdisho oo aad ugu daaley siyaasadda qaybsan ee hoggaamiye kooxeedyada uga adkaaday qolooyinkii isku jirey ee la baxay ”maxaakiimta Islaamiga” kuwaasoo ay hoggaamiyeen Xasan Daahir Aways iyo Shariif Sheekh Axmed.

Qanyare oo ahaa siyaasi hal adag oo burjaawi ah, ayaa 2012-kii, waxaa uu ka mid noqoday Baarlamaanka dhexe ee Federaalka ah, balse xanuunno soo wajahey dartood wuxuu xilkaa ku wareejiyey wiilkiisa Cabdiweli Qanyare bishii Maajo 2013 xilligii dowladdii Xasan Sh. Axmed, kaasoo weli ku fadhiya kursigaasi.

Qanyare ayaa wixii xilligaa ka dambeeyay la tacaalayay xannuuno soo wajahey, wuxuuna beryihii dambe yaalley Isbitaalka Guud ee Digfeer oo uu saaka ku geeriyooday. Allaha u naxariisto.

Hadalsame Media