Sweden oo ka walaacsan arrin ay sameeyaan Soomaalidu (Yaa siiyay xogta daqiiq ah oo ay soo bandhigeen?)

0

(Stockholm) 29 Juun 2019 – Sweden ayaa beryahan lagu soo jeediyay arrinta ku saabsan carruurta ay waalidiinta shisheeyaha ihi ay dalkooda u geeyaan si ay dhaqanka usoo bartaan kuwaasoo mararka qaar waqti ku qaata halkaasi.

Warbixin uu baahiyay hilinka wayn ee SVT ayaa sheegay in safarradan oo loo yaqaanno “safarro waxbarasho” ayaa dalka ay kasoo jeedaan loogu kexeeyaa carruurta yar yar ee halkan ku dhashay ama ku barbaaray, si looga hor istaago inay “reer Galbeedoobaan” wuxuuna TV-gu sheegay in Sweden ay arrintaa u aragto dhibaato walaacinaysa.

“Waxay safarradu iskugu jiraan kuwo qaraabo lagu booqanayo, ilaa iskuullo iyo goobo kale oo waxbarasho oo aad u ad adag”, ayuu yiri Mikael Thörn, oo ah baare sare oo ka tirsan Waaxda Cadaaladda oo u warramay SVT.

Wuxuu sheegay in dhibaatadu tahay tirakoob waafi ah oo aan jirin, isagoo qiyaasaya in kiisaska haatan la helay ay noqon karaan kuwo dul ka xaadis ah oo aad uga yar kuwa jiri kara.

Tusaale, Wasaaarad Dibadeedka Sweden ayaa diiwaan gelisey ilaa 127 kiis oo ah wax lagu sheegay ”afduubyo khasab ah” oo carruur dibedda loogu kexeeyay si aanay ka raalli ahayn, kuwaasoo ay ku jiraan guur khasab ah, gudniin iyo safarro “dhaqan celin ahs”. 70% ka tirsan kiisaskaasi waa gabdho.

Yeelkeede, Mikael Thörn ayaa xitaa sheegay in af Soomaaligu uu leeyahay eray bixin u gaar ah arrintan taasoo ah erayga isku dhisan ee “dhaqan celis”, kuwaasoo uu sheegay in carruurta ku dhalatay Yurub iyo Ameerika loo celiyo ”dhulkii hooyo” si buu yiri loo “muxudiyo” oo dhaqankiisa loogu iftiimiyo.

Waloow ay khasab tahay in ilmaha la khasbo, misna lama oga cidda waxan u sharraxday maamullada kala duwan ee Sweden, iyadoo ay hubaal tahay inay Soomaalida ku jiraan dad ku maqan isla Soomaalida. Waxayna dad badan oo aan la hadalnay is waydiinayaan waxa ku jaban in carruurta dhaqankoodii asalka ahaa la baro.

Hadalsame Media