”Nin baa Obama ka codsaday inuu gaar ula faqo xaaskiisa!” (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2019 – Habeen baa Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle waxay go’aansadeen inay makhaayad caadi ah u casho doontaan, deeto markii ay fariisteen, milkiilihii makhaayadda ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu in yar gaar ula fiqi karo xaaska madaxwaynaha wuuna ka aqbalay.

Deeto markii ay soo dhamaysteen ayuu madaxweynuhu waydiiyay Michelle: “Muxuu ninkani u xiisaynayay inuu kula hadlo.?” isagoo shakisan.!

Waxay u sheegtay in ninkani uu jacayl waalli ah oo xarka gooys ah u qabi jiray waagii ciyaal iskuulka iyo dhuumacshoowga!

Madaxweynihii oo yara masayrsan woxoogaana madaxa ciidda ka ceshanaya isla markaana hadalkiisa laga dareemayo mujaamalo iyo af gobaadsi ayaa misna ku celiyay: “Marka hadii aad guursan lahayd, saacadaan waxaad ahaan lahayd milkiilaha makhyaadan quruxda badan?”

Michelle oo isaga ka badisa diblomaasiyadda ilkaha cad ayaase ku halgaaday, “Maya, maya, maya! Haddii aan guursan lahaa, wuxuu noqon lahaa madaxwaynaha Maraykanka.”

FG: ”Nin kastoo wanaagsan naag baa ka dambaysa”.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media