Seddax sababood oo aysan sax u ahayn inay Somaliland xoolaha siyaasadeeyaan

0

(Hadalsame) 28 Juun 2019 – Waxaa maalin dhowayd soo baxday in dowladda Sucuudiga oo raacaysa xeerka caalamiga ah oo dabcan dhigaya in Somaliland ay weli tahay gobol ka tirsan Somalia ay warqad caafimaad kasoo qaadato DF Somalia, marka ay xoolaha dhoofinayaan.

Maamulka Somaliland oo arrintaa ka hadlay ayaa markiiba sheegay in aanay taa aqbalaynin iyagoo sheegay inay ka xigaan in aanay xoolo dhoofinin, halkii ka adeeci lahaayeen awaamiirta Somalia oo ay sheegeen inay ka go’een.

Waloow aanan qabin in dalka lakala jaro misna waa wax la garan karo inay Somaliland go’itaan doonayso sax iyo khaladba, balse maadaama aysan weli taasi hirgelin, waxaa Somaliland ku waajib ah inay la timaaddo siyaasad macquul ah oo xikmadaysan, iyadooo dabcan teeda eeganaysa.

Haddaba waxaan hayaa ilaa 3 qodob oo muujinaya sida ay Somaliland ugu khaldan tahay diidmadeeda:

1 – Somalia waa dowladda haatan la aqoonsan yahay ee ka talisa Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxay sharciyan xaq u leedahay in ay ka arrimiso wixii ku dhex jira khariidadda Somalia.

2 – Waxaa la ogyahay in dad ay xitaa ku jiraan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ay qaataan Baasaboorka DF Somalia marka ay Xajka u tegayaan isla Sucuudiga ama booqanayaan meelo kale, haddaba maxay warqad ri loo jaray u dhibaysaa ”qaddiyadda Somaliland” ee aanay taasi dhibaynin?

3 – Xoolaha ka dhoofa Somaliland waa hanti Soomaaliyeed ee ma aha wax Somaliland gaar u leedahay, xitaa haddii boqolleey loo qaato waxay Somaliland ku yeelanaysaa tirada ugu yar, waayo waxaa ku jira xoolo laga soo lugeeysiiyo ilaa Wajeer, Xuddur, Miyiga Joowhar ilaa War Dheer iyo Jigjiga, sidaa darteed, waa inay sawirka guud eegaan oo aanay is dhaafin suuqaas muhimka u ah dhaqaalaha maamulkaasi.

Wixii ictiraaf iyo dowladnimo raadin ahna haddii ay heleeyso ama waayayso waxaa jira waddooyin kale, waloow ay ku caana badan tahay welibana aan la huri doonin midnimada.

Tifaftirka Hadalsame Media